Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisey ay maanta iska caabiyeen weerar xoogan oo ay ku soo qaadeen maleeshiyada Al Shabaab.
Shabaabka oo iska soo abaabulay deegaanka Yasooman oo hoostaga Magaalada Buuloburde ayaa weerar ku qaaday Macawiisleyda degan afaafka hore ee deegaankaasi, gaar ahaan inta u dhaxeyso Yasooman iyo Aboorey.
Shabaabka ayaa la fahamsan yahay in muddooyinkii u dambeysay ay ku go’doonsanaayeen Yasooman, oo ay bilaa dagaal kula wareegeen 16-kii bishii April, waddada keliya ee u furana ay ahayd tan aadda Aboorey, maadaama waddada kale ee isku xirto Yasooman iyo Degmada Moqokori ay tahay mid xiran.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa daba-yaaqadii bishii April soo degay waddada isku xirto Yasooman iyo Aboorey, iyagoona kala jaray in looga soo gurmado Aboorey oo Al Shabaab ay qabsatay horaantii April.
Wararka ayaa sheegaya in Macawiisleyda reer Hiiraan ay dib u caabiyeen Shabaabkii weerarka ku soo qaaday dhulka fidsan ee u dhaxeeya Yasooman iyo Aboorey.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay dib ugu laabteen deegaanka Yasooman, isla-markaana ay ku hungoobeen in ay jidka furtaan.
Macawiisleyda oo ah ciidan deegaanka ah oo la abaabulay ayaa laf dhuun gashay ku noqday Al Shabaab, waxaadna mooddaa in ay saaxadaa dagaalka wa-xoogaa ka bedeleen.
SNF.